War-murtiyeed ka soo baxay shirkii Roadmap-ka ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

March 27, 2012 - Written by

Gaalkacayo:-Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug lagu soo afmeeray Shirkii wadatashagiga ee saxiixayaasha Roadmap-ka oo loogu tala galay in lagu dhamaystiro barmaamijka ay ku soconayso DFKM xiliga kala guurka ee hadda lagu jiro, shirkaan ayaa waxaa marti geliya Dowllada Puntlland waxaa uuna ka dhacay Magaalada Gaalakacyo dhinaceeda Waqooyi oo ay ka arrimiyaan Puntlland.

Shirka waxaa ka soo qayb galey dhamaan saxiixayaashii Roadmap-ka oo kala ah  Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Xassan , Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xassan, Madax weynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweyne ku xigeenka dowllad Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire
Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Gal-mudug, Madaxa Ahlusuna Sh. Maxamad Maxamud Yusuf “Libaax”
Ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augistin Mahiga.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed waxaan uu u qornaa sidda tan.

 1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa’diida Garowe 1,2.

 2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go’aamada Garowe1,2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey.

 3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go’aamiyey Garowe2 oo aheyd 1000 (kun)qof waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh.

 4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu’maudiinka, aqoonyanahada, dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.

 5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2.

 6 Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012.

 7- Waxaa la isku raacey in masuu’liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka “Roadmap-ka” oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah.

 8- Waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.

 9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa “Roadmap-ka” iyo mabaadiida Garowe1,2.

 Waxaa saxiixey dhamaan xubnihii ka soo qayb galey kulankaan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online