Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya Moses Wetangula oo Muqdisho soo gaaray

March 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya Moses Wetangula ayaa soo gaaray maanta  magaalada Muqdisho waxaana ku soo dhaweeyey garoonka Diyaradaha ee Aden Cadde madax ka tirsan DFKM.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya Moses Wetangula oo si qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Aden Cadde Raisulwasaaraha DFKM Pro.Cabdi Weli Maxamed Gaas iyo Sahriif Xasan Sh Aden Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKM

Ilaa haatan si rasmi ah looma shaacin ujeedada dhabta ah ee socdaalka Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya Moses Wetangula xili ciidamada dalkiisa  ay si rasmi ah ugu biireen kuwa AMISOM.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Kenya Moses Wetangula ayaa waxaa kale oo kulan la yeeshay saraakiisha sare ee ciidamada AMISOM waloow aan si rasmi ah loo shaacin waxa ka soo baxay kulankaas wuxuuna kulanka ka dib u baqooli doonaa dalka Jabuuti.

A/Cawale
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Xasbuna’Llahu wanicmal wakiil.

  2. ASCaleykum Somaliya waa hilib cidla yaala marka shacabka somalidana ayagaa isku mashquulsan oo waxaa laga maray dhinaca aay ku kalafogaan karaan waana dhinaca qabiilka marka taasna waxaa looga bixix karaa in loo laabto kitaabka illaah SWT iyo sunada nabigga SCW. Illaahow dal nabada iyo dad caafimaad qaba aamiin sc.

  3. Waa la isugu keen habar wacday walee somaaliya allaa u maqan

Leave a comment

*