Wasiirka horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jarmalka oo Muqdisho soo gaaray
March 31, 2012 - Written byMuqdisho:-Wafdi uu horkacayo wasiirka horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jarmalka, Dag Nabel ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde ku soo dhaweeyey ku-simaha ra’iisul wasaaraha DFKM ahna wasiirka ganacsiga Ugaas Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Khaliif.
Wafdiga wasiirka horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jarmalka, Dag Nabel iyo Wasiirka Ganacsiga ee DFKM ayaa waxay kulan ku yeesheen garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde waxaana markii uu soo idlaay kulanka saxaafada si wadajir ah ula hadlay wasiirka horumarinta dalka Jarmalka iyo wasiirka ganacsiga Soomaaliya.
no images were found
Ku-simaha ra’iisul wasaaraha DFKM ah ahna wasiirka ganacsiga Ugaas Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Khaliif ayaa sheegay in dowlada Jarmalka ay diyaar u tahay in ay caawiso DFKM waxaana ay ugu deeqday dowlada Soomaaliya lacag gaareysa 94-milyan oo dollar.
Wasiirka horumatinta ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jarmalka Dag Nabel oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu yimaado Soomaaliya wuxuuna sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay caawinaad u fidiso DFKM iyo shacabka Soomaaliyeed .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net