Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Hirsi oo baaq soo saaray

August 20, 2013 - Written by Editor

gencaddeQardho:-Waxaa shalay ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar shir ay iskugu yimaadeen Nabadoono , Cuqaal , Siyaasiyiin  iyo qaar ka mid ah masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntlland, kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ugu horayso nabadgelyada Puntlland iyo qaabka ugu haboon oo la iskugu soo dhaweyn karo aragtiyada kale duwan ee siyaasada Puntlland.

Odayaasha ka qayb galay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen. Cadde Muuse, dood dheer iyo falanqayn ka dib ayaa waxaa odayaasha iyo wax garadkii ka qayb galay kulanka ay ka wada hadleen siddii loo furi lahaa jawi wada hadal oo sababi kara in ay Puntlland ka qabsoonto doorasho ay ku qanci karaan bulshadu. Shirka ayaa waxaa kale oo looga hadlay ahmiyadda uu leeyahay shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Qardho oo ay yeelanayaan Isimada Puntlland.

Ugu danbayn ayaa waxaa baaq ka soo saaray xaalada Puntlland Madaxweynihii hore ee Puntlland Gen. Cadde Muuse Hirsi hoos ka eeg.

Waxaan ugu horrayn salaan diirran iyo boogaadin u soo jeedinayaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland oo isugu jira isimo, nabaddoono, aqoon yahanno, culimaa’idiin, ganacsato, haween iyo dhalinyaro iyo guud ahaan xubnaha bulshada rayadka ah.

Sida lala wada socdo Puntland waa 15 sano jirsatey, muddadaas guulo iyo magac waa la soo hoyey, iyadoo dhanka kalena ay mararka qaarkood cillado iyo xiisad Jireen.

 Marar badan waxaa reer puntland soo wajahay xiisado,fakrado kala duwan iyo is afgaran-waa, hayeeshee dhibaato kasta oo soo gudboonaata waxaa lagu xallin jirey laguna maarayn jirey nabadayn iyo wada-hadal,taasoo muujinaysa dhaqanka soo jireenka ah ee ay reer Puntland u leeyihiin maaraynta xiisadaha.

 Arrintaani waxay puntland u soo jiiddey magac iyo xurmo ay soomaali oo idili u hayso.

 Dhaqanka iyo xikmadda reer puntland waxay suurta- gelisey sugidda midnimada,wadajirka iyo is walaalaysiga  dhammaan beelaha reer puntland.

Sidaa darteed, waxaa laga ma maarmaan ah in la sii xoojiyo, si dhab ahna loogu tafa-xeyto nabadaynta iyo degganaanshaha, taasoo ah tiirka iyo tiginka horumarka iyo wax-ahaanshaha reer Puntland.

Puntland waxay maraysaa xaalad xasaassi ah iyadoo ay so fool leeyihiin doorashooyin looga gol leeyahay helitaanka iyo dib-u-astaynta hannaan horseeda horumar siyaasadeed, dhaqaale,bulsho,iyo amni.

Sidaas daraaddeed, waxaa loo baahan yahay in loo soo wada jeesto lagana wada shaqeeyo, dawlad iyo shacbiba sidii loo abuuri lahaa jawi fayow oo lagu meelmariyo doorashooyin xor ah iyo nidaam maamul oo ballan qaadi kara xaqiijinta himilada dadweynaha.

Arrintaan waxaa looga fadhiyaa maamulka, isimada, aqoon-yahannada, iyo guud ahaan bulshada reer puntland.

Sidaa darteed,waxaan ku baaqayaa in laga wada hawlgalo oo aan loo kala harin  hirgelinta doorashooyinka si ay natiijadu u noqoto mid lagu wada kalsoon yahay oo la wada garabgalo.

Sida la wada ogsoon yahay isimada reer  puntland waxay shir wada-tashi ugu ballansan yihiin magaalada Qardho 15.10. 2013, haddaba waxaan rajeynayaa isimadana ugu baaqayaa inay mudnaanta siiyaan arrimaha dib u heshiisiinta, si ay meesha uga baxaan wixii khilaaf iyo is-afgarn-waa ah ee saamayn kara midnimada bulshada puntland.

Maalmahaan dambe waxaa soo if-baxayey in gaadiid lagu dhaco waxyeelana loogu geysto jidka laamiga ah ee Boosaaso iyo Qardho  isku xira taasoo  ififaalo xun u ah nabadgelyada, isla markaana bulshada ku abuuraysa dareen iyo cabsi gelin, waxaan maamulka u soo jeedinayaa in falalkaas laga hortago, ciddii geysatana gacan adag lagu qabto iyadoo bulshadana looga fadhiyo inay arrintaas gacan buuxda ka geysato.

Beelaha Degaanka Qardho  waxaan kula dardaarmayaa inay si wada jir ah uga shaqeeyaan xoojinta amniga iyo wax kasta oo dhibaato iyo iin nabadgelyada ku ah.

Waxay ku jirtaa inaan kelimad ku iraahdo Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole: anigu waxaan ahay oday ku hawlan,si joogto ahna uga shaqeeya midaynta iyo nabadaynta reer puntland, arrintaas ujeeddo iyo dano ii gaar ah ka ma lihi waxaanse u arkaa inay tahay mas’uuliyad iyo xil bulshada puntland iga saaran.

Cabdiraxmaan Sh Maxamed  waxaad tahay Madaxweynaha puntland, waxaa xil kaa saaran yahay mas,uuliyadduna ay ku  faraysaa inaad bulshada si daacad iyo caddaalad ah u daadihisid kana shaqaysid midaynta iyo walaaltinnimada dhammaan reer puntland.

Waxaa ila habboon in aan labadeennuba ka wada shaqayno danaha puntland, anigoo oday ah iyo adigoo madaxweyne ah. Waxaan, bulshada caalamka iyo qaybaha kale ee Soomaaliya xusuusinaynaa in reer Puntland ay arrimahooda wada-tashi iyo is-afgarad ku xallin karaan,maarayntoodana ay ehel u yihiin, iyadoo isla markaana la soo dhoweynayo wixii gacan iyo kaalmo ah oo danaha Puntland ka turjumaya.

Ugu dambayn waxaan rajeynayaa,Eebbana ka  baryayaa inay Puntland nabad iyo horumar ku waarto.

Gen. Cadde Muuse Xirsi

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online