Abu-Yasir Al-Muqdishi oo sheegay magacyadda raggii dilay Ibraahim Afgaan iyo Macalin Burhaan.[Dhagayso]
October 18, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa mar kale Abu-Yaasir Al-Muqdishi oo ka mid ah culimada ama hogaanka ururka Al-shabaab uu si rasmi ah u shaaciyey raggii qorsheeyey ama fuliyey dilkii lagula kacay Ibraahim Xaaji Miicaad Ibraahim Afgaani [Abu Bakar Al-Zaylici] iyo Cabdixamiid Xaashi Col Haye oo loo yaqaanay Macalin Burhaan.
Ibraahim Xaaji Miicaad Ibrahim Afgaan iyo Macalin Burhaan ayaa waxaa ay ahaayeen ragga ubad dhexaadka ah u ahaa ururka Al-shabaab ee Degmada Baraawe ku khaarajiyeen Amniyaadka Ururka Al-Shabaab ee ka amar qaata Axmed Cabdi Godane.
Abuu-Yaasir Al-Muqdishi ayaa horay uga hadlay qaabkii loo dilay Ibraahim Xaaji Miicaad Ibrahim Afgaani iyo Macalin Burhaan , balse markaan waxaa uu magacaabay rag uu sheegay in ay masuul ka ahaayeen dilka isagoo xusay in maalin maalmaha ka mid ah la qisaasi doono xag aduun ama Aakhiro.
Hoos ka Akhriso magacyada ragga uu Abu-Yasir Al-Muqdishi uu sheegay in ay dileen Ibraahim afgaani iyo Macalin Burhaan
1. Axmed Cabdi Godane hogaamiyaha ururka Al-shabaab
2. Mahad Warsame qalay oo loo yaqaan Mahad Karatey ama Mahad Odawaa
3. Maxamed Cabdullaahi Xiiray Abu Cabdalla oo ah waaliga gobolka Sh Hoose
4. Daahir Gacamay loona yaqaan Cabdull Xaq waa Qaadiga guud ururka Al-shabaab
5. Guure Axmed Joofaqlay
6. Cabdicasiis Maxamed Cadde Abu Muscab oo ah afhayeenka dhinac howlgalada Al-shabaab
7. Xassan Afgooye
8. Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal
9. Ahmed abdiqaadir Cabdulaahi oo loo yaqaano Sahal isku dhuuq ama Camuu
10.Maxamed Maxamuud Jaamac (MMJ) loona yaqaano Suldaan
11. Axmed Diiriye Cumar Cabdikariim
12. Kamiin iyo rag kale oo fara badan
Abu-Yasir Al-Muqdishi ayaa waxaa uu horay u sheegay in hogaanka ururka Al-shabaab ay dileen culimadii lagu dilay Boosaaso iyo Garoowe oo ay ugu horeeyaan allaha u naxaristee Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax.
Abu-Yasir Al-Muqdishi oo ilaa 4 xalqo uga hadlay taariikhdii Ibraahim Afgaan laguna faafiyey Mareegta Rasminews ayaa waxaa uu ka sheekeeyey wada shaqayntii dhex martay hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim Afgaani iyo wixii dhexmaray.
Hoos ka Dhagayso Abu-Yasir Al-Muqdishi oo sheegaya magacyada raggii dilay Ibraahim Afgan iyo Macalin Burhaan.
[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/2sv2vmybco/gacankudhiiglayaal.mp3] ama Halkaan ka dhagayso [Source:Rasminews]
C/Casiis Maxamed
Halgan.net