Dardaarankii Sh Shariif C/nuur ka dib booqashadii Sh Axmed Cabdisamad
October 28, 2013 - Written by EditorMakkah:-Sh Axmed Cabdisamad oo ka mid culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu booqosho ugu tegay Shiikh Shariif Cabdinuur Allaha caafiyee waxaan markii ay Shiikha booqdeen ay ka codsadeen uu uu u dardaarmo ka dibna waxaa uu Shiikhu hadalkiisa ku bilaabay .Kolkii lagu yiri: Sheekh noo dardaaran wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu ina siiyey diintii ugu fiicnayd, wuxuuna inoo soo diray rasuulkii ugu fadliga badnaa ee qabsada diintaas. Halkaan ka eeg booqashadii Sh Axmed Cabdisamad qoraalkii koowaad,
Wuxuu yiri: diintu waa kitaabka (Qur’aan), sunnaha (axaadiis) iyo Ijmaaca ( masalada culumadu isku raacaan).
Wuxuu yiri: dagaalka muslimiinta u dhexeeya ha la iska ilaaliyo.
Wuxuu yiri: Sh. C/naasir ma garanaysaan?. Waxaan ku niri: haa, wuxuu yiri: xaggee joogaa?. Waxaanu ugu jawaabnay Laascaanood. Wuxuu yiri aada oo cilmiga ka barta.Halkaan ka eeg booqashadii uu horay ugu tegay Tafatiraha Halgan.net Sh.Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur.
Hadalka kooban ee sheekhu wuxuu ka koobnaa:
1- Diinta oo dadka la jeclaysiiyo, loona sheego qiimaha ay leedahay
2- Dadka in lagu boorriyo qabsashada diinta iyo barashadeeda, waana dardaarankii nabigeena: “waxaan diinka tagey wax haddaad qabsataan aydnaan gadaashay lumayn: kitaabka Alle iyo Sunnadayda”
3- In dadka loo sheego waxa diinta ah si aysan wax walba diin ugu malayn.
4- In muslimiinta looga digo colaadda sokeeye oo dhaawacaysa walaalnimadooda iyo midnimadooda, cadowgoodana u loogaysa
5- In dadka lgu xiro culumada, loona dardaarmo inay cilmiag kasoo bartaan.
Gabagabadii waa ereyo kooban oo qofkii ku dhaqma uu adduun iyo aakhiraba ku liibaanayo. Diintana waxaa ugu muhiimsan inta ugu caansan ee loo arkay inay ugu sahlantahay, sida arkaanta islaamka iyo arkaanta iimaanka.
W/Q Sh Axmed Cabdisamad