Dardaarankii Sh Shariif C/nuur ka dib booqashadii Sh Axmed Cabdisamad

October 28, 2013 - Written by Editor

shshariifMakkah:-Sh Axmed Cabdisamad oo ka mid culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu booqosho ugu tegay Shiikh Shariif  Cabdinuur Allaha caafiyee waxaan markii ay Shiikha booqdeen ay ka codsadeen uu uu u dardaarmo ka dibna waxaa uu Shiikhu hadalkiisa ku bilaabay .Kolkii lagu yiri: Sheekh noo dardaaran wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu ina siiyey diintii ugu fiicnayd, wuxuuna inoo soo diray rasuulkii ugu fadliga badnaa ee qabsada diintaas. Halkaan ka eeg booqashadii Sh Axmed Cabdisamad qoraalkii koowaad,

Wuxuu yiri: diintu waa kitaabka (Qur’aan), sunnaha (axaadiis) iyo Ijmaaca ( masalada culumadu isku raacaan).

Wuxuu yiri: dagaalka muslimiinta u dhexeeya ha la iska ilaaliyo.

Wuxuu yiri: Sh. C/naasir ma garanaysaan?. Waxaan ku niri: haa, wuxuu yiri: xaggee joogaa?. Waxaanu ugu jawaabnay Laascaanood. Wuxuu yiri aada oo cilmiga ka barta.Halkaan ka eeg booqashadii uu horay ugu tegay  Tafatiraha Halgan.net Sh.Al-Calaamaha Shariif Cabdi Nuur.

Hadalka kooban ee sheekhu wuxuu ka koobnaa:

1- Diinta oo dadka la jeclaysiiyo, loona sheego qiimaha ay leedahay
2- Dadka in lagu boorriyo qabsashada diinta iyo barashadeeda, waana dardaarankii nabigeena: “waxaan diinka tagey wax haddaad qabsataan aydnaan gadaashay lumayn: kitaabka Alle iyo Sunnadayda”
3- In dadka loo sheego waxa diinta ah si aysan wax walba diin ugu malayn.
4- In muslimiinta looga digo colaadda sokeeye oo dhaawacaysa walaalnimadooda iyo midnimadooda, cadowgoodana u loogaysa
5- In dadka lgu xiro culumada, loona dardaarmo inay cilmiag kasoo bartaan.

Gabagabadii waa ereyo kooban oo qofkii ku dhaqma uu adduun iyo aakhiraba ku liibaanayo. Diintana waxaa ugu muhiimsan inta ugu caansan ee loo arkay inay ugu sahlantahay, sida arkaanta islaamka iyo arkaanta iimaanka.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online