Afhayeenka Maamulka Jubba kuwii diley Ugaas Haafow waa Al-Shabaab waana haynaa.[Dhagayso]
March 26, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Afhayeenka maamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda BBC qaybta Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka maamulka KMG ee Jubba ay qabteen labo dhalinyaro ah oo maalin ka hor ku dilay Kismaayo Ugaas Xuseen Haafow oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee Jubbooyinka aad looga yaqaanay.
Afhayeenka maamulka KMG ee Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay in labad dhalin yarada ah ee dilay Ugaas Xuseen Haafow ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab waxaa uu da’dooda ku sheegay in ay ka yar yihiin 20 sano si dhaqso ahna ay Maxkamada u soo taagi doonaan.
Afhayeenka maamulka KMG ee Jubba Cabdinaasir Seeraar oo wax laga wiidiiyey amaanka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in amaanku uu yahay mid fiican balse ay dhacaan dilal sidda gobollada kaler ee dalka ay uga dhacaan dilalka iyo qaraxyaduba balse ay ciidanka maamulka KMG ee Jubba ay fashiliyeen qaraxyo iyo dilal ay soo abaabuleen ururka Al-shabaab.
Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenka maamulka KMG ee Jubba ayaa sidoo kale ka hadlay qarax lala eegtay maanta ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi .
Hoos ka Dhagayso waraysiga BBc-da uu siiyey Afhayeenka maamulka KMG ee Jubba Cabdinaasir Seeraar
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/zh9qrgji4o/Seeraar.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
A/cawaale
Halgan.net