AMISOM oo beenisay war ka soo yeeray Wasiirka G/dhiga dalka Sierra Leon

March 6, 2014 - Written by Editor

Cali-Aadam-XaamudMuqdisho:-Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa beeniyay war ka soo yeeray saraakiisha ciidanka Dowladda Sierra Leon, kaasi oo ah in mushaaraadka ay qaataan ciidamada Sierra Leon,ee ku sugan Soomaaliya uu ka yar yahay mushaarada ay qaataan ciidamada Ugandha iyo Burundi .

Afhayeenka ciidanka AMISOM Col. Ali Haamud oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyey in mushaaraadka ciidanka Sierra Leon, ay yihiin kuwa ka yar mushaarada la siiyo ciidanka kale ee AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Ciidanka Sierra Leon, oo ka mid ah ciidanka AMISOM kana howlgala gobalada Jubbooyinka, ayaa dhowr mar waxay ka cawdeen Mushaarada la siiyo ciidankooda .Wasiirka G/dhiga ee dalka Sierra Leon ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in mushaarada ay qaataan ciidanka dalkiisa uu ka yar kuwa ciidamada kale wuxuuna sheegay in askariga ka tirsan Ciidanka Sierra Leon la siiyo 728 doolar halka kuwa Ugandha,Burundi ,Kenya iyo Itoobiya la siiyo 1028 doolar.

Afhayeenka AMISOM Col. Ali Haamud ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay ciidamada cusub ee dowlada Ugandha u soo direyso Soomaaliya kuwaas oo ilaalin doona shaqaalaha iyo xarumaha QM wuxuuna sheegay in ay ka fiirsan doonaan kala tashan doonaan dowladaha ku bahoobay IGAD.

Dowlada Ugandha ayaa sheegtay in ay ciidamo gaara u soo direyso Soomaaliya ka dib markii ay magaalada Muqdisho ku bateen qaraxyada iyo weerarada ay geysanayaan Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online