Booliska Galmudug & Puntland oo si wadajir ah howlgalo lagu sugayo Amniga ka wada Gaalkacyo (Masawiro)
March 31, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Waxaa Markii ugu horeysay si wadajir ah uga bilaawday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug howlgal lagu adkeynayo amniga magaalada Gaalkacyo oo ay si wada jir ah ciidamo Boolis ah oo ay ku mideysan yihiin Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Saraakiisha laamaha Amaanka ee labada Maamul ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen xarunta Taliska Ciidamada Boolika Galmudug waxaana ay si wada jir ah u shaaciyeen in maanta wixii laga bilaabo maanta ay amaanka magaalada Gaalkacyo ay sugi doonaan ciidamo boolis ah oo ka wada tirsan Galmudug iyo Puntland .
Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in ciidamada ay wadajir u shegaynayaan ayna la dagaalamayaan cadowga labada Maamul ee amaanka wax u dhimaya wuxuuna sheegay in qof amaan xuma wada uusan ku dhuuman doonin magaalada Gaalkacyo.
Dhanka Kale Taliyaha booliska gobolka Mudug ee maamulka ee Puntland C/Laahi Shire Dool ayaa isana goobta ka hadlay wuxuuna sheegay in howlgalada ciidamada mideysan ee Galmudug iyo Puntland ay si wada jira u sameyn doonaan howlgal lagula dagaalamayo kooxaha wax u dhimaya nabada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Maxameed Yuusuf Jaamac tigey ayaa sheegay in Ciimada Booliska Puntland iyo Galmudug ee Gobolka Mudug ay maanta wixii laga bilaabo ay u midoobeen cadowga birimageydada iyo waxgaradka ku laaya magaalada Gaalkacyo wuxuuna ugu baaqy shacabka in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka.
no images were found
Sidoo kale Uweys Cali Saciid Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa baaq u jeediyey shacabka gobalka Mudug wuxuuna ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka.
M_M Deeq
Halgan.net