Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaanka Yasooman.

March 27, 2014 - Written by Editor

AMISOMMuqdisho:-Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta Deegaanka deegaanka Yasooman. 40km u jirta Degmada Buulo Burde .Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud Col.Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil ayaa warbaahinta u sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen Deegaanka deegaanka Yasooman. 40km u jirta Degmada Buulo Burde .

Deegaanka deegaanka Yasooman ayaa 40 km dhinaca bari kaga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan waxaana Saldhig ku lahaa kooxada Al-Shabaab .Col.Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa inta laga saarayo kooxda Al-Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin gobalka Hiiraan iyo Galgaduud.

Dhanka kale ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaq ciidanka ka bilaabay saaka degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe waxaana ay maanta duhurkii ka ruqaansadeen degmada Warsheekh iyaga oo ku sii jeeda deegaanka Raage Ceele sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadweyne ku sugan deegaano u dhexeeya Warsheekh  iyo Raage Ceele .

Wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay gaareen deegaanka Gumareey oo 10-km u jirta degmada Raage Ceele waxaana la sheegayaa in Al-Shabaab isaga baxeen degmada Raage Ceele.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online