Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

March 13, 2014 - Written by Editor

ciidamada_AMISOMHiiraan :-Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano hoos taga Degmada Buulo Burte ee gobalka Hiiraan waxaana ay ciidamada huwanta saraakiil u hadashay ay sheegayaan in ay ku sii siqayaan Degmada Buulo Burte .Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa saaka waxay u kala jiheysteen ilaa 3 jiho kala ah wadada dheer ee isku xirta Beledweyne iyo Buulo Burte wadada aada dhanka Maxaas ,Moqokori  iyo wadada dhanka galbeed .

Saraakiisha Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa waxay sheegeen in ay  la wareegeen Deegaanada Ceel Cali ,Baardheere ,Beera yabaal iyo Nuur Fanax .Degmada Buulo Burte ee gobalka Hiiraan ayaa waxaa ka socda barakac waxayna dadweynaha ka baqayaan in ciidamada DFS kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ay ku kor dagaalamaan.

Dhanka kale Abaanduulaha guutada 10-aad ee ciidanka DFS ee gobolka Hiiraan, Colonel Maxamed Aamiin ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan .Buq-aqable waxa ay 52 km waxay u jirtaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana horey gacanta ugu hayey kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan waxay ka wadaan Degmada Buulo Burte waxaana ay doonayaan in ay difaacdaan deegaanada ay wili gacanta ku hayaan .

Ilaa haatan ma jiraan wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanada ay sheegeen saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS in ay kala wareegeen Al-Shabaab .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online