Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Ceelbuur

March 26, 2014 - Written by Editor

itoobiyaCeelbuur:- Ciidanada DFS iyo kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ayaa la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ka dib dagaal culus oo ka dhacay duleedka Ceelbuur waxaana ay ciidamada huwanta ay haatan difaacyo ka sameysteen duleedka Degmada Ceelbuur .

Ciidamada DFS iyo Kuwa AMISOM oo wata gawaari badan oo dagaal ayaa haatan gaafwareegaya gudaha magaalada Ceelbuur waxaana jira khasaaro badan oo gaaray guryaha qaarkiis ka dib markii ay ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya ay Madaafiic ay ku duqeeyeen Degmada Ceelbuur.

War Qoraal ah oo la soo dhigay barta Facebook ay ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan oo dhaba gal ah u dhigay ciidamada huwanta ee ku soo siqayey degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud si ay u hakiyaan ciidamada huwanta waxaana jira khasaaro kala duwan oo gaaray ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab.

Isgaarsiinta degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa hawada ka maqan waxaana ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS ay fariisimo ka sameysteen gudaha magaalada Ceelbuur iyo duleedkeeda.

Degmada Ceelbuur oo 375 km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Muqdisho waxaana ay ahayd xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab kaga sugnaayeen gobalka Galgaduud.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Galgaduud Cabdixakiin Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin Degmada Ceelbuur wuxuuna sheegay in ay baaritaano ka wadaan wuxuuna ka codsaday DFS in ay soo gaarsiiyey Degmada gargaar bini,aadanimo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online