Ciidamo ka socda dalka Burundi oo gaaray magaalada Kismaayo

March 21, 2014 - Written by Editor

AMISOM002-300x225Kismaayo:-Waxaa saaka gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ciidamo ka socoda dalka Burundi ee AMISOM oo tiradoodu gaarayso ilaa 90 askari  oo ka socda iyadoo ciidamada Burundi ee la qorsheeyey in la geeyo magaalada Kismaayo ay tiradoodu gaarayso ilaa 179 oo ku biiri doona ciidamada Kenya iyo Sierra Leone oo horay ugu sugnaa Kismaayo.

Intii aysan ciidamadaan ka socda Burundo aysan imaan magaaada Kismaayo ayaa maalm ka hor  waxaa magaalada Kismaayo soo gaaray Saraakil ka socda AMISOM oo gogol xaar u ahaa imaanshah ciidanka Burundi. Shir dhexmaray madaxda ka tirsan Midowga Afrika iyo Maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hishiis ka dhacay dalka Itoobiya lagu gaaray in magaalada Kismaayo la geeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan AMISOM.

Wararka hoos  ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya oo dhawaan ka mid noqday AMISOM la filayo in ay qayb ka noqdaan ciidamada AMISOM ee isku dhafka ah ee la geynayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online