Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.
March 13, 2014 - Written by EditorHiiraan:-Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaq ciidan waxay ka bilaabeen gobalada Hiiraan iyo Galgaduud magaalada B/weyne iyo Dhuusa-Mareeb ayaa ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya waxay u dhaqaaqeen difaacyada hore ee labada gobal.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada B/weyne ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay xireen dhamaan isgaarsiinta magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Afhayeenka Ciidanka Amisom Col. Cali Aadan Xumad, ayaa isbuucii hore warbaahinta ka sheegay in howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay ka bilaaban doonaan gobalada Hiiraan iyo Galgaduud.
Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada B/weyne ayaa qorsheynaya sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmada Buulo Burde oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Dhanka kale wararka aan ka helayno Degmada Buulo Burde, ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqa ciidan ay ka wadaan duleedka Degmada Buulo Burde.
Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay duulaan ku yihiin deegaanada ka tirsan gobalka Hiiraan oo wili gacanta ugu jira Al-Shabaab.
Ra’iisal Wasaaraha DFS oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay in dhawaan ay Al-Shabaab ka saari doonaan Degmooyinka Ceelbuur, Buulo Burde, Jalalaqsi iyo Bu’aale, iyo deegaano kale .
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degmooyinka Xudur ,Waajid ,Rabdhuure,iyo Degmada Buur-dhuubo ee gobalka Gedo.
A/Cawale
Halgan.net