Diyaarinta Shahaadada Masterka Wajigii 1-aad oo lagu soo gabagabeeyey Jaamacada EAU Garoowe.[Masawiro]

March 13, 2014 - Written by Editor

10Garoowe:-Waxaa Jaamacada Bariga Afrika EAU faraceeda Garoowe lagu soo gaba gabeeyey diyaarinta Shahaadada Masterka waxaana lagu baranayaa Maamulka iyo maaraynta waxbarashada (Educational Planing and Adminstaration) iyo Hormarinta Manaahiijta (Currucolom Development), Barnaamijkan waxaa Maalgashay Midowga Yurub isagoo u soo Marsiiyay Hay’adDa (CFBT) Waxaa fududaynaya oo casharada bixinaya Macalimiin ka socda Jaamacadda Nairobi, waxaana Xiriirinta iyo Marti gelinta barnaamijka iska lahayd jaamacada Bariga Afrika qaybta Garoowe.

Barmaajikan muhiimka ah waxaa ka faa’iidaysanaya in ku dhaw 43 Arday 11 ka mid ah Ardaydaasi waxay ka socdaan Magaalada Muqdisho Qaasatan Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, 18 Ardayda ka mid ahna waxay ka socdaan Wasaarada Waxbarashada Dowladda Puntland halka 14 Ardayda ka mid ah ay Lacagta iska bixinayaan.

Xiritaanka Barnaamijka oo Hadalo Kooban laga soo jeediyay waxay sheegen Macalimiintii ka socotay Jaamacada Nairobi in Waxbrashada ay la dagaalamayso nabadla’aanta oo qof kastoo jahli ah haduu waxbarto uu dadkiisa anfici karo, waxayna rajo wacan ka muujiyeen in Ardayda ay si wacan uga faa’iidaysan doonaan Barnaamijkan.

Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Maamulaha Jaamacada Bariga afrika faraceeda Garoowe wuxuu sheegay in uu soo dhawaynayo fursadan qaaliga ah oo ay heleen Ardayda Somaaliyeed ayna noqonayso mid kaabta tacliinta Dalka, wuxuu sheegay in Jaamacada EAU ay Diyaar u tahay hogaaminta Barnaamijkasta oo waxtar u ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ayna soo dhawayayaan.

Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame oo Xaflada soo xiray wuxuu sheegay in uu Jeclaan lahaa in uu Ardayda ku biiro hase ahaatee aysan hada macquul ahayn wuxuuse balan qaaday Kulamada kale in uu ka qayb gali doono Isagoo arday ah, Wasiirku wuxuu dhiirigelin gaar ah usameeyey ardayda ka timi Muqdisho isagoo sheegay in dalkoodii hooyo ay joogaan si diiranna loo sii dhawayn doono.

Jaamacada bariga Afrika ayuu si gaar ah ugu Amaanay Wasiirku Qaabilaada iyo Xiriirinta Barnaamijka, wuxuuna ku booriyay Ardayda in ay la tartamaan macalimiinta wax baraysa oo Su’aalaha ku badiyaan oo aysan iska fadhin sida Arday bilow ah oo kale, Maadaama ay master diyaarinayaan.

no images were found

Barnaamijkan wajigiisa 1aad wuxuu bilowday 3dii bishan wuxuuna ku ekaa 12kii Bishan, wuxuuna si toos ah usoo dhamaan doonaa February 2015. Sidoo kale jaamacada bariga Afrika waxay casho sharaf soo dhawayn ah u sameesay Ardaydii martida ahaa ee ka socday magaalada Muqdisho waxaana casho sharaftaasi kasoo qayb galay Madaxda Wasaarada Waxbarashada sida Wasiirka, Agaasimaha guud Agaasimaha mashaariicda kan imtixaanaadka iyo sidoo kale macalimiin ka tirsan EAU wuxuuna ku soo dhamaaday Isbarasho Dhiirigelin iyo sii dhawayn.

Waxaa laga soo diyaariyay
Xafiiska Warbaahinta Jaamacada Bariga Afrika
faraceeda Garoowe Puntland Soomaaliya.
Faafin Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online