Dowlada Ruushka oo si KMG ah looga Saaray G8

March 25, 2014 - Written by Editor
G8Madaxweynaha Maraykank iyo quwado kale oo dunida ah ayaa iyaga oo doonaya inay go’doomiyaan dalka Ruushka Isniintii shalay xili aan la xadidin xukuumadda Moscow uga saaray ururka G8. Dalalkan ayaa sidoo qaadacay shir madaxadeed uu marti galin lahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, shirkaas oo dhici lahaa misha June ee sanadkan.

Mr. Obama ayaa la kulmay madaxda Britian, Faransiiska, Germany, Talyaaniga, Canada, iyo Japan. Iyaga oo kulan degdeg ah qaatay, ayaa waxay shirkooda culeyska ku saareen qabsashada Ruushka ee gobolka Crimea. Hadal wada jir ah oo ay soo saareen kulankooda ka dib, ayaa hogaamiyeyaashani ay sheegeen in ay hakinayaan xubin ahaan shaha Ruushka ee ururka dalalka 8da ah ee dunida ugu dhaqaalaha badan, ilaa Moscow ay bedesho sida ay wax u waddo.

Dalalka G-7 ayaa sheegay in halkii ay ka qeyb gali lahaayeen shir madaxeedkii ay 8da dal ku kulmi lahaayeen magaalada Sochi ee dalka Ruushka, ay u wareegi doonaan magaalada Brussels ee dalka Belguim oo ay isla bisha June ku kulmayaan.

Goor hore oo Isniintii shalay ayaa madaxweyne Obama uu sheegay in Yurub iyo Maraykanku ay ku mideysan yihiin taageerada dawladda Ukraine iyo dadka dalkaas.

Source :VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online