Faah faahin ka soo baxday 3 qof oo Al-shabaab shalay ay ku dileen Degmada Baraawe

March 29, 2014 - Written by Editor

2Baraawe:-Wararka naga soo gaaray degmada Baraawe ayaa sheegaya in maalintii shalay ay ururka Al- shabaab ee uu hogaamiyo Axmed Cabdi Godane ay ku dileen ilaa 3 qof oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jaajuusiin la shaqayn jiray ciidanka nabadsugida ee dowladda Federaalka Soomaaliya .

Saddexda qof ee ururka Al-shabaab ay u dileen Jaajuusnimada ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1. Gudoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan ee ururka Xisbul Islaam Sh Maxamuud Faarax Sabriye oo loo yaqaanay (Sheekh Shuuriye)

2. Maxamed Xassan Cali

3. C/Najiib Shire Barre

Masuulka Shabeelaha Hoose ee Al-shabaab Abuu Cabdalla ayaa saxaafadda u sheegay in ay degmada Baraawe uu ka dhacay dil lagu fuliyey 3 qof oo Jaajuusiin ah ka dib markii ay iyagu qirteen sir badana ay cadawga u gudbiyeen.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ay xiriir la samaysay Halgan.net ayaa u xaqiijiyey in 3 qof ee lagu dilay magaalada Baraawe uu ku jiro allaha u naxariistee Gudoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan ee ururkii burburay ee Xisbul Islaam Sh Maxamuud Faarax Sabriye Shiikh Shuuriye oo in mudo ah ku xirnaa Al-shabaab

Gudoomiyahii hore Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan Sh. Shuuriye ayaa waxaa lagu xasuustaa dagaalo badan uu la galay ciidanka Itoobiya isaga oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan dhaawacna uu ka soo gaaray dhinac lugta.

Gudoomiyihii hore ee Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan Sh. Shuuriye Faarax Sabriye ayaa eheladiisa waxay sheegeen in la waayey ka dibna ay u xigtay in shalay lagu toogtay Fagaaraha degmada Baraawe.

no images were found

Eedeynta loo soo jeediyey Gudoomiyihii hore ee Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan Sh. Shuuriye ayaa ah mid aan cusubayn iyadoo rag badan oo xubno ka ahaa Al-shabaab qaarna si toos ah loo dilay halka qaar kalena lagu eedeeyey Jaajuusnimo ka dib marii ay ka horyimaadeen hogaamiyaha ururka Al-shabab Axmed Cabdi Godane waxaan ugu danbeeyey.

1.Axmed Cabdullaahi Maxamed Faroole [Sufyaan ]

2. Sh Maxamuud Faarax Sabriye Shiikh Shuuriye Gudoomiyihii hore ee Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan

3. Maxamed Geelle Cabdulle

3.Cabdi Raxmaan Cabdi Ladiif axmed

4. Maxamed Xassan Cali

5. C/Najiib Shire Barre

Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa horey u khaarajiyey rag badan oo Mareykanku aad u goobayey lacag badana uu duldhigay waxaana ka xusi karnaa:-

1. Ibraahim Afgaani.

2. Macalin Burhaan.

3. Abu Mansuur Al-Amriki.

4. Usama Biridaani

Ma ah markii ugu horaysay oo hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo kooxdiisu ay dileen rag ka tirsanaa ururkooda iyagoo ku eedeeya jaajuusnimo falkna noocaan ah ayaa waxaa uu ka soo bilowday markii  khilaafka u dhexeeyey Madaxda Al-shabaab uu soo shaac baxay taas oo sababtay in rag badan ay ka cararaan deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab waxaan ragggaas ka mid ahaa Sh.Xassan Daahir Aweys, Abu Yaasir Muqdisho , Abu Ayaan iyo rag kale oo hadda ku kala xiran dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay sidoo kale dileen culumo si weyn looga yaqaanay dalka Soomaaliya oo in badana dacwada islaamka qeyb lixaad leh ka soo qaatay waxaana ka mid ah:-

1. Sh Maxamed Tahliil oo lagu dilay deegaanka ceelasha Biyaha

2. Sh Dr Axmed Xaaj Cabdiraxmaan oo lagu dilay magaalada Boosaaso

3.Sh Cabduqaadir Nuur Faarax oo la dilay isaga oo Salaadii casar tukanaya lagu dilay masjiid ku yaal Garoowe

Waxaa sidoo kale jira Saraakiil badan oo ay Al-Shabaab dhagar ku dileen oo inta badan ka tirsanaa Xisbul Islaam oo uu gudoomiye u ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo haatan u xiran Dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii uu naftiisa kala soo cararay Al-Shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online