Gal-Mudug oo sheegtay in ay qabteen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab
March 31, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Ciidanka Booliska maamulka Gal-Mudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay saxaafadda u soo bandhigeen nin ay ku sheegeen in uu yahay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ay howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska Gal-Mudug ay ku soo qabteen.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa u sheegay warbaahinta in ninka ay qabteen ciidanku ay ka soo qabteen duleedka magaalada Gaalkacyo ka dib markii xog ay helleen ay ku howl galeen.
Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sidoo kale xusay in eedeysanaha ay weli ku wadaan baaritaano ka dibna ay si dhaqso ah ugu gudbin doonaa Maxkamada hadda uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska.
Dhinac kale Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa saxaafadda u sheegay in ciidanka Booliska Gal-mudug ay xoriyadooda u soo celiyeen ilaa 3 qof oo dumar ay ku jirto ka dib markii looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Howl galka ay sameeyeen ciidanka Booliska maamulka Gal-Mudug ayaa ku soo beegmaysa xili maalin ka hor ay ku eedeeyeen Madaxda Dowladda Federaaalka Soomaaliya ay sheegeen in degaano uu ka taliyo maamulka Gal-Mudug gaar ahaan degmada Hobyo ay ku sugan yihiin Al-shabaab arrinkaas oo ay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin.
M_M_Deeq
Halgan.net