Golaha wasiirada ee Puntland oo kulan ku yeeshay magaalada Garoowe.[Masawiro]

March 17, 2014 - Written by Editor

IMG_6634Garoowe:-Golaha Wasiirada ee dowlada Puntland ayaa maanta kulan ku yeesheen magaalada Garoowe waxaana kulankooda shir goodoominayey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaana kulankooda ka soo baxay warmurtiyeed wuxuuna u qornaa sidan.

War muurtiyeed :-

Kulankii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada iyo Qodobadii ka soo baxay.

1- Miisaaniyada

Waxaa maanta shirkii golaha wasiirada lagu ansaxiyey miisaaniyadii sanadka 2014 inta ka hadhay ee laga bilaabo bisho 4aad ee sanadkan ilaa bisha 12 aad.

2- Dhinaca amniga:

Waxaa la isla soo qaaday in beesha caalamku ay si isku mida uga qayb qaadato taageerada ay ku bixiso ladagaalanka argagaxisada ee ka socda guud ahaan gobolada Soomaaliya, sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in dawlada Puntlan Puntlandd hesho qaybteeda taageeradaas.

3- Socdaalkii Madaxweynaha

Wuxuuna Madaxweynaha puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas uga mahad celiyey madaxweynaha jabuuti iyo dadka reer jabuuti sida walaaltinimada iyo kal-gacalku ku jirto ee ay dadka soomaaliyeed u garab taagan yihiin.

no images were found

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu xusay in Dolwadda jabuuti iyo Dowladda puntland is-ka kaashan doonaan xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo iskaashiga ganacsiga iyo horumarinta mashaariicda.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland
Waaxda Warfaafinta,Waciyi-gelinta Iyo Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online