Golaha Wasiirada Puntland oo shirkoodi qodobo muhiim ah ka soo saaray.[masawiro]

March 11, 2014 - Written by Editor

6Garoowe:-Waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe Golaha Wasiirada Puntland iyagoo uga dooday qodobo badan waxaan shirka gunaanadkiisii ay ka soo saareen warsaxaafadeedka Hoos ku xusan:-

Warsaxaafadeed: Ujeedo: Qodobadii ka soo baxay kulankii 4aad ee Golaha Wasiiradda Puntland.

1. Iyadoo laga jawaabayo soojeedintii wasiirka waxbarashada Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in miisaaniyadda waxbarashada sanadka 2014 la gaadhsiiyo boqolkiiba todoba (7%). Halka ay hore u ahayd 3%, sidoo kalena sanad-kasta 1’% la kordhiyo miisaaniyada, iyadoo lagu darayo 200 oo macalin sanad walba.

2. Golaha xukuumaddu waxay Ansixiyeen Xeerkii xamuulka gaadiidka wadooyinka Puntland.
3. In la qaban qaabiyo dood cilmiyeedo diiniya iyo wacyigelin Culuumada diintu sameeyaan si looga hor-tago xagjir nimada iyo afkaaraha ururka al-shabaab mediyahana la mariyo.

Kulanka wasiirada waxaa sidoo kale lagu dhaariyay wasiiro uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli max’ed Cali Gaas kuwaaso oo kala ah:-

no images were found

1. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha Guran

2. Wasiiru Doowlaha Madaxtooyada Dr Max’ed Cabbaas Cumar

3. Wasiiru Dowlaha Kalluumaysiga Cabdi-raxman Jaamac Kulmiye

Xafiiska Warfaafinta,Wacyi galinta
Iyo Hidaha Iyo Dhaqanka ee
Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online