In aad dhexdhexaad noqotaan ayaaba Danbi ah !W/Q Maxamed Aadan Abdile
March 6, 2014 - Written by EditorWaxaa soo galay magaalada Kismaayo ciidan uu watay Sheekh.Axmed Madoobe habeenkii 26kii bishii 09-aad 2009ka oo ahaa habeen ay soo galaysay Axad, kismaayo markaa waxaa maamulaayay isbahaysi ka koobnaa Alshabaab, Kaanbooni, iyo Caaanoole oo Xisbul islaam isku ahaa, inkastoo talada xoogeeda ay marooqsadeen markaa Al-shabaabka.
Sh.Axmed Madoobe markaa waa hogaamiyaha Raaskanbooni oo ka mid ah xisbul islaam, waxaa dhexdhexaadin isku dayay rag ganacsato iyo wadaado isugu jiray oo reer Kismaayo ahaa, ragaa waxay marka hore qaabileen Sh.Axmed Madoobe iyo saraakiishiisa, wayna soo dhaweeyeen in lawada hadlo, waxay ragii sidoo kale qaabileen gudi Al-shaaab u saareen hogaaminta howsha oo ka koobnaa ilaa 3 qof, waxayn u sheegeen in ay rabaan in ay dhex dhexaadiyaan ayaga iyo Raaskaamboniyiinta, waxay ku jawabeen madaxdii shaababka ( in aad arintaan dhexdhexaad ka noqtaan ayaaba dambi ah ee ordaya soo qaata qorigiina ee nimanka aan lawada daagalano) waxaan la kulmay Maqribkii galabtii sidaas lagu soo yiri qaar ka mid ah ragii dhexdhexaadinta isku dayay iyagoo yaaban oo xaqiiqsaday in dagaal lagama huraan uu yahay,
Maalintii khamiista 01-da bisha 0koobar,2009ka aroortii in yar ka hor 07-dii aroornimo ayuu dagaalkii qarxay, waxaa maalintaa dagaalkii ku dhintay dad ku dhaw 50 qof oo u badanaa dadkii dagaalamaayay, markii danbana dagaalkii waxaa uu galaaftay deegaano farabadan oo ka mid ah gobollada Jubooyinka iyo boqolaal soomaali ah,hadda dagaalkaasi yaa ka danbeeyay oo mas,uuliyadeeda qaadanaayo?
W/Q Maxamed Aadan Abdile
Halgan.net