Inxiraafku waxaa uu ku bilowdaa Tartiib Tartiib W/Q Maxamed Aadan

March 8, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Muqdisho:-Insha Allah waxaan rabaa in yar in aan ku bidhaamiyo labo qiso oo gaagaaban sidda inxiraafku yaraan ugu bilaabmo ilaa u gaaro meeshii u danbaysay. Qisada koowaad:– Dhamaadkii 2002da iyo bilowgii 2003da markii uu aasaasmaayay ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay saraakiishii aasaastay qabanaayeen shirar magaalada Muqdisho, shirarkaas intabadan waxaa lagu qabanaayay labo guri oo ka mid ah guryaha raga aasaasay ururka, shirarkaas waxa lagula kulmaayay raga wadaadada si loogu qanciyo ururkan cusub ee Al-shabaab, raga waxay u qaabili jireen mid mid ama labo labo amaba mararaka qaar ka badan, maalin maalmaha ka mid ah ragii ay u yeereen madaxdii shabaabaka mid ka mid ah waxaa uu waydiiyay su,aal ah, (howshaan aad bilaabaysaan culimadii ictisaam ka ma idinla ogyihiin wax aysan culimadii wax ka wadina intay gaari doonaan) waxaa su,aashaa ka jawaabay Fu,aad Shangole oo ka mid ahaa raggii meesha fadhiyay ee dadka u yeeraayey ee ahaa aasaasayaashii Al-shabaab, waxaa uu yiri (”Howshaan jihaadka ah ee aan hadda bilaabayno culimada way ka gaabiyeen, ayaga un baan hor dhac u nahay culimada, warka ayuu sii waday waxaa uu yiri haddii nala waydiiyo aaway culimadiinii waxaan leenahay rabiyow waxaan u soo deg degnay raali gelintaada culimadiina waa nadaba socdaan) وعجلت اليك ربي لترضى waxaa uu aqriyay aayadaa, ilaa uu gaaray inxiraafka shabaabka in culimadii ay sidaas oranayeen ay dilaan ayagoo masaajid ku jira oo rukuucsan dilkoodaasna allah ay ugu dhawaanayaan.

Qisada labaad:-markii ay bilaabaayeen dadkii isku jirka ahaa kacdoonkii looga soo horjeeday amiirul mu,miniikii cismaan (ALLAHAA KA RAALI NOQDEE) waxay ku bilaabeen amiirkaan aadaynaa waa u naseexeenaynaa intaan sii soconana dadkaan kheyrka u sii sheegaynaa oo munkarkaan reebaynaa macruufkaan amraynaa, ugu danbaystii markii ay Madiino yimaadeen safar dheer ka dib waxay ku soo gaba gabeeyeen in ay amiirul mu,miniinkii Cismaan Bin Cafaan ay dilaan.

Labadaas qiso ee gaagaaban waxay noo muujinaysaa sidda uu inxiraafku ugu bilaabmo yaraan ka dibna u kobco ilaa uu gaaro meeshii ugu danbaysay, waxay kaloo noo muuji naysaa dad kaste oo is abaabulo oo ka tago culimada iyo waxgaradka kale in ay khasaaro iyo inxiraaf ummada u horseedaayaan, ummadan waxaa indho u ah wax garadkeeda oo ay culimda u horayso, haddii ay koox is abaabusho iyagoo culimadii iyo waxgardkii kalena isaga taga natiijadaas labada qiso ka soo baxday ayaa soo baxayso.

W/Q Maxamed Aadan Abdille Waadi
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online