Madaweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay boqorka dalka Japan
March 13, 2014 - Written by EditorJaban:-Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay boqorka dalkan Japan Akihito.Boqorka Dalka Japan ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya isla-markaana ballan-qaaday in Dowladda Japan ay juhdi xoog leh gelin-doonto sidii Soomaaliya mar kale u noqon lahayd wadan xasilooni buuxda ka jirto.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamuud ayaaa marka hore uga mahad-celieyey boqorka Japan tageeradda Dowladda Japan ay ku bixiso Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee Madaxweynaha iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyey dalka Japan. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa uga tacsiyeyay dhibaatada duufaantii ku dhufatay gobolka fukushima oo ay shalay ku beegneyda sannad-guuradii Seddexaad ee musiibadii dhacday.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia