Madaxweyaha Gal-Mudug oo ku eedeeyay DFS in ay ku fashilantay arrimaha Federaalka iyo Amaanka.[Dhagayso]
March 29, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug Gen.Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo maanta Shir jaraa’d ku qabtay Xarunta madaxtooyadda Gal-Mudug ee Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay hirgelinta nidaamka Federaalka Soomaaliya , ,amaanka iyo qaybinta kaalmada aduunka siiyo Dowadda Federaalka Soomaaliya in ay si siman ugu qaybiso gobollada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Gal-Mudug Gen.Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa ku eedeyeey madaxda Dowladda Fedeaalka Soomaaliya in degaano ka tirsan maamulka Gal-Mudug sidda magaalada Hobyo lagu sheegay degaanada ay ururka Al-shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Mudug arrinkaas oo uu Cabdi Qaybiid ku tilmaamay arrin siyaasadeed oo dhaqaalo lagu doonayo.
Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug Gen.Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in degaanada ay ka taliyaan ay yimaadaan ciidamo ama shirkado shisheeye oo maamulka Gal-Mudug uusa la socon.
Dhinac kale Madaxweynaha Gal-Mudug Gen.Cabdi Xassan Cawaale ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa ay ka fiirsan doonaa wada shaqayanta ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id ee Madaxweynaha Gal-Mudug Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/obvlp1vo2t/qaybdiid.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
M_M_Deeq
Halgan.net