Madaxweynah Puntland oo furay kulankii Baarlamaanka Puntland.[Cod/Masawiro]

March 31, 2014 - Written by Editor

7Garoowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu ka qayb galay kulan aan caadi ahayn oo Golaha baarlamaanka Puntland ay uga doodayaan Miisaaniyadda dowladda Puntland 2014.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo hadal kooban ka hor jeediyey Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu uga warbixiyey safarkii uu ku kala bixiyey Gobolladda  Nugaal, Karkaar iyo Bari isagoo sheegay in safarku uu ahaa in ay dowladdu u kuurgasho xaaladaha nololeed iyo mid nabadgelyo ee ka jira degaanadaas arrintaas oo guul ku soo dhamaatay.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale oo Xildhibaada Baarlamaanka Puntland uu uga warbixiyey kulan uu la yeeshay Safiirada wadamada Yurub  qaarkood iyo kulan uu magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bar kula yeeshay Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al-Cusmaani isagoo sheegay in guul laga gaaray ayna rajeynayaan in Puntland laga caawiyey dhinac kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.

no images were found

Ugu danbayntii ayaa Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.CabdiwaliMaxamed Cali Gaas  waxaa uu ka codsaday Xildhbaadanada Golaha baarlamaanka ee Puntland in ay ka doodaan miisaaniyadda dowladda Puntland 2014 ayna eegaan wax dantu ugu jirto dadka  ka dibna ay ansixiyaan Miinaasiyadda dowladda Puntland ee 2014.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii uu Madaxweynaha Puntland ka jeediyey Golaha Baarlamaanka Puntland

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/qh6l7dlefe/Miisaaniayadda.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online