Madaxweynaha DFS oo kulamo kala duwan leh Waxgarad Baydhabo

March 31, 2014 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay dhinacyadda isku haya magaalada Baydhabo kuwaas oo labo Maamul goballeed uga dhawaaqay magaalada Baydhabo. Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa kulanka ku weheliyey wasiiro, xildhibaano iyo guddoomiyaha baarlamaanka Prof  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulanka maanta ayaa waxaa uu ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin waxaana loo diiday in ay saxaafadda ka soo qeyb gasho iyadoo amaanka magaalada Baydhabo si weyn loo adkeeyey gaar ahaan halka uu shirku ka socdo.

Madaxweynaha DFS Xassan Sh.Maxamuud ayaa isku dayey in uu xaliyo ma shaqada ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Baydhabo kuwaas oo ku dhawaaqay labo Maamul oo kala duwan taas oo keentay in uu amaanka magaalada Baydhabo uu khal khal galo.

Ma jirto ilaa hadda warar faahfaahsan oo ka soo baxay shirka ka socda Magaalada Baydhabo walow weli ay Madaxda DFS ayaa dadaal ugu jira sidii ay xal ugu heli lahaayeen xiisada siyaasadeed ee ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online