Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

March 16, 2014 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku tegey dalka Japan.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Booqashadeena Japan Waxey aheyd mid taariikhi ah oo aan sii xoojinay xiriirka labada dal. Japan waxey noo ballanqaadeen 40 million oo dollar oo kaalmo ah iyo inay dib u dhiska dalka kaalintooda ka qaataan.”

“Bacdamaa aan u gudubnay heerkii horumarinta dalka, dowladda Japan waxey naga kaalmeynayaan dhanka beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, shaqo u abuurista dhalinyarada iyo dhanka teknolojiyada oo Japan ay caan ku tahay.”

“Waxaan la kullanay Boqorka, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Aqalka Sare ee Japan iyo mas’uuliyiin ka kala socday dhanka ganacsiga, iyo hay’adaha aan dowliga aheyn. Waxaana noo suurto gashay in dhammaan mashaariicdii aan hordhignay nalaga aqbalay oo xiriirka labada dal uu noqonayo mid joogta ah.”

Guulihii Howlgalada Dalka ka socda:

“Waxaan u hambalyeynayaa ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed oo taageero ka helayey AMISOM oo guulo waaweyn ka soo hoyay howlgaladii aan muddo sanad iyo bar qorsheyneynay.”
“Sidoo kale waxaan u hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed oo kaalin wax ku ool ah ka qaatay, isla markaana taageero buuxda siiyey ciidankeenna geesiyaasha ah.”

“Shabaab waa la baacsaday oo ay sii cararayaan isla markaana raadinayaan goobo ay ku dhuumaaleystaan, si ay shacabka waxyeelo ugu geystaan. Waa inaan ka wada shaqeynaa sidii aan loo siin laheyn meelo ay ku dhuumaaleystaan iyo meelo ay carruurta iyo dhalinyarada ku duufsadaan.”
“Siyaasadda Dowladda ee Xasilinta dalka ayaa ah in goobaha laga saaro Al-Shabaab in si deg-deg ah loogu gurmado oo shacabka la gaarsiiyo gar-gaar bani’aadanimo. In muddo ah baan beesha caalamka kala shaqeyneyney qorshaheena xasilinta dalka, sidaas daraadeed Maanta waxaa la joogaa waqtigii ballanqaadyada laga dhabeyn lahaa oo aan wada dhaqan gelin laheyn qorshaha Xasilinta dalka. Waa waqtigii aan u gudbi laheyn wax qabad dhab ah.
“Shacabka deegaanada laga xorreeyey Al-Shabaab waa inay arkaan faa’iidada nabadda, maamul wanaag iyo in shacabku ay aayahooda ka tashadaan. Culumada Soomaaliyeed door weyn bey ku leeyihiin si shacabka looga wacyigeliyo fahamka diinta saxda ah. Waxaan Baaq u dirayaa Shacabka, Ganacsatada, Qurbojoogta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in la taageero ciidamada iyo shacabka deegaanada laga xoreeyey Al-Shabaab.”

TACSI BOQORKA CODKA
“Ugu danbeyntii waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii Boqorka Cod, fannaan Maxamed Suleyman Tubeec oo maanta lagu aasay Muqdisho. Samir iyo IIMAAN EEBBE ha naga wada siiyo, qoyskii, asxaabtii iyo shacabka

.” DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online