Madaxweynaha Puntland oo beeniyey in Ciidamo AMISOM ah uu codsaday (Dhageyso)

March 8, 2014 - Written by Editor

GaasGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda Puntland aysan marna u yeeran ciidamo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM wuxuuna sheegay in saxaafadda Soomaalida ay si xun u fasirteen Waraysi uu siiyay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay leedahay Ciidamo ku filan oo ka difaaca Al-Shabaab wuxuuna sheegay in dowladiisa ay uga baahan tahay beesha caalamka  Midowga Afrika taageero  dhinac walba ah sidda Saadka iyo Hubka .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Gaas ayaa wareysi gaar ah uu siiyey Laanta Af-Soomaaliga BBC-da wuxuu ku beeniyey warar ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida kuwaas oo sheegay in Madaxweynaha Puntland uu codsaday ciidamo ka socda AMISOM in la keeno Puntland.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu siiyey BBC-da

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online