Madaxweynaha Galmudug oo sheegay in Al-Shabaab soo galeen deegaanada Galmudug (Dhageyso)

March 27, 2014 - Written by Editor

QeybdiidGaalkacyo:-Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amniga ee Deegaanada ay gacanta ku hayso Galmudug wuxuuna walaac ka muujiyey ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo soo gaaray deegaano ka tirsan Mudug oo ay Maamusho Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa ka codsaday beesha Caalamka ,AMISOM iyo DFS taageero wuxuuna sheegay in deegaano ay ka taliso Galmudug ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyaga oo ku soo galaya qaab kala duwan .

Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid  Madaxweynaha Galmudug ayaa yiri “boqolaal Al-Shabaab ah baa soo galay Galmudug ka dib markii deegaano badan ay ka qabsadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay kal fadhigga 3-aad ee golaha baarlamaanka Maamulka Galmudug iyo wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacada Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid  ayaa soo dhaweeyey howlgalada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ku qabsadeen deegaano badan oo ay ka talin jireen kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay qabteen oo ay xiran yihiin wuxuuna sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay qaar ka mid ah laga yaabo in rabaan in ay u gudbaan Puntland gaar  ahaan buuraha Golis.

Hoos ka Dhagayso waraysiga VOA-da uu siiyey Madaxweynaha Galmudug Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/vt0xx645fi/Qeybdiid.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online