Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya oo loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur
March 27, 2014 - Written by EditorBaydhabo:-Waxaa saaka lagu doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay Madax weynaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee saddexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose waxaan xilkaas loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur.
Munaasabadda xilka loogu doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur Madaxweynaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ka dhacday Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo iyadoo in mudo ah ay socotay shirar ay wadeen siyaasiyiin doonaya in seddex gobol loo dhiso maamul gobolleed halka qaar kalena ay doonayeen lix gobol.
Madaxweynaha Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa u tartamay ilaa labo musharax oo kala ah Maxamed Xaaji Cabdinuur iyo Ibraahim Nuur Xassan waxaan tartanka doorashada ka qayb galay ergo gaarysa ilaa 743 oo ka kala yimid gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha cusub ee Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu ku guulay stay cod dhan 726 cod halka Ibraahim Nuur Xassan uu hellay ilaa 12 cod oo kaliya waxaan ka aamusay 5 cod oo kaliya.
Madaxweynaha cusub ee Maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa waxaa markii la doortay uu mahad balaaran u jeediyey ergada dooratay waxaan uu balan qaaday in uu xilka loo doortay uga soo bixi doono si wanaagsan, Madaxweyne Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa waxaa uu codsi u diray madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay in ay maamulkiisa ay taageeraan.
Doorashadaan ayaa ku soo beegmaysa xili magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay horay loogu doortay Madoobe Nuunow Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban ilaa 6 gobol balse aan wax taageero ah ka hellin dowladda federaalka Soomaaliya , IGAD
A/cawaale
Halgan.net