Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi weli Gaas oo booqday Maxjarada iyo xarumo kale (Masawiro)

March 27, 2014 - Written by Editor

5Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed  Cali Gaas oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa booqday xarumaha lagu xanaaneeyo xoolaha nool ee Maxjarada, kuwaasi oo ay leeyihiin ganacsato Somali iyo Ajnabi ah.

Masuuliyiinta kala duwan ee Maxjaradaasi ayaa madaxweyne Gaas uga xog waramay qaabka ay u shaqeeyaan iyo xoolaha ay gacanta ku hayaan , kuwaasi oo loo dhoofin doono dalka dibaddiisa.

Waxay sidoo kale Madaxweynaha u sheegeen in sanadkii lasoo dhaafay ay Puntland ka dhoofeen xoolo aad u fara badan, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in sanadkaan la kordhin doono xoolaha nool ee loo dhoofinayo dalka dibaddiisa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed  Cali Gaas ayaa ganacsatada iyo masuuliyiinta maxjarada uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u shaqaynayaan , wuxuuna ku adkeeyey inay halkaa kasii wadaan shaqada ay bulshada u hayaan.

no images were found

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ganacsatada ku adkeeyey in loo baahan yahay sidii loo heli lahaa suuq weyn oo xoolaha nool lagu kala iibsado, si ay suurta gl u ahaato in ganacsade kastaaba xillig uu u baahdo xoolo nool inuu heli karo.

Booqashadaas ka dib ayaa Wafdig Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli waxa ay kormeero kala duwan ku tageen qaar ka mid ah xarumaha wasaaradaha oo ay ka mid yihiin , Wasaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha,Wasaardda Maaliyadda,Wasaaradda Dekedaha iyo xaruntii kaydinta kalluunka ee Nekfish ee magalada Bosaso oo aan xiligan wax shaqo ag qaban.

Madaxweynaha ayaa warbixino ka dhagaystay masuuliyiinta wasaaradaha uu booqday, wuxuuna u sheegay in loo baahan yahay sidii looga dhabayn lahaa waxqabad iyo is beddel, korna loogu qaadi lahaa shaqooyinka ay qabtaan.

no images were found

Wuxuu kale oo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayradka Badda ku amray in dib loo howl galiyo xarunta kaydinta kalluunka ee Nekfish isla markaana laga faa’iidaysto qalabka ay ku shaqayso.

DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafint,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada.

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online