Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiirka difaaca iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga Jabuuti.[Masawiro]

March 13, 2014 - Written by Editor

IMG_8087Djibouti:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii danbe safar shaqo ku jooga Djibouti ayaa maanta la kulmay wasiirka difaaca Djibouti, masuuliyiinta rugta ganacsiga Djibouti, mamulka dakadaha ee Djibouti iyo mamulka sare ee shirkadda Telecommunicationka Djibouti.

Madaxweyne Gaas iyo masuuliyiinta uu la kulmay waxa ay si faah-faahsan isula soo qaadeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka Puntland iyo Djibouti, ka wada shaqaynta amaanka iyo arrimo kale. Kulanka ka dib, masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Djibouti oo ay horkacayaan Wasiirka Caddaalada Djiboti Aadan Xassan Aadan, Safiirka Dowladda Djibouti u qaabilsan Somaaliya Dayid Dubbad Rooble iyo xubno kale ayaa wafdiga Madaxweyne Gaas u kexeeye xarumo kala duwan oo dalkaasi Djibouti ku yaalla.

no images were found

Wafdiga ayaa booqday Dekedda Djibouti, waxaana looga waramay qaabka ay u shaqayso iyo maamulkeeda, waxaa kale oo ay booqdeen xarunta isgaarsiinta waddanka Djibouti iyo wasaaradda gaashaan dhiga Djibouti halkaas oo looga warbixiyay wafdiga Puntland siyaabaha kala duwan ee ay xarumahaasi u howl galaan.

DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online