Madaxweynaha Puntland oo Markab Dagaalka ee EU Naval Force kula Kulmay Danjirayaasha EU-ah.[Masawiro]

March 26, 2014 - Written by Editor

IMG_3883Boosaso,Arbaca 26,03,2014  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Max’ed  Cali Gaas ayaa galabnimadii Arbacada oo taariikhdu ahayd 26,03,2014 waxaa uu kulan gaar ah la qaatay danjirayaal ka tirsan Dowladaha reer Yurub iyo danjiraha EU-da u fadhiaya magaalada Nairobi, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomay dusha sare ee mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee  EU Naval Force Somalia ee ay leeyihiin isu tagga wadamada reer yurub.

Dhanka Dowladda Puntland waxaa Madaxweynaha kala qayb galay kulanka qaar ka mid ah golahiisa Wasiirada, saraakiisha ciidamada daraawiisha iyo Booliska iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada .Dhanka Dowladaha reer Yurub waxaa kulalnka joogay Danjiraha Midowga Yurub u Qaabilsan Somalia, Safiirka Talyaaniga, Safiika UK,Safiirka Holland, Safiirka Denmark iyo safiiro kale.

Waxaa si qoto dheer loo falan qeeyey caqabadaha taagan ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, iyo sidii dhinaca arrimaha Bulshada la isaga kaashan lahaa in wax laga qabto. Waxaa sidoo kale la isku gartay  in siyaasad midaysan laga yeesho soo afjaridda iyo la dagaalanka burcad-badeeda, Al-shabaab, kalluumaysiga aan sharciga ahayn iyo wixii la mid ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa Safiirada shirka ka qayb galay usoo bandhigay qorshe howleedka u degsan Dowladdiida , kaasi oo ay qaban doonaan sanadka ugu horeeya iyo ilaa iyo mudada ay shaqadu kaga egtahay.

Madaxda Dowladda Puntland ayaa shirka ka sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay qaybteeda ka hesho taageerada la siiyo Dowladda Federaalka ah maadama uu dalku ku dhisan yahay nidaam federaal ah. Safiirada dalalka reer Yurub ayaa sheegay inay Puntland la garab is taagayaan taageero caamali ah , isla markaana ay heli doonto saamiga ay ku leedahay taakuulaynta ay dawladaha reer Yurub siin doonaan Soomaaliya.

Safiirada Dalalka Reer Yurub waxaa ay ballan qaadeen ina ay dalka Djibouti ku soo tababari doonaan ciidamada Police-ka Badda, si loo xaqiijiyo amniga xeebta dheer ee Puntland. Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa labada dhinac ay ka warbixiyeen wax yaalihii ay isla soo qaadeen , iyagoo caddeeyey in si faah-faahsan la isula qaatay in Puntland la tageero.

no images were found

Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah kaasi oo Madaxda Dowladda Puntland iyo Safiirada Dalalka reer Yurub ay ku qaataan badda dusheeda, waxayna taasi muujinaysaa in Madaxweyne Gaas iyo xukuumddiisu ay dadaal ugu jiraan sidii Puntland loo horu marin lahaa.

DHAMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo
Hiddaha Iyo Dhaqanka  Ee Madaxtooyda Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online