Madaxweynaha Puntland waraysigii uu siiyey Reuters muxuu uga hadlay?

March 6, 2014 - Written by Editor

GaasReuters:-Madaxweynaha Puntland C/iwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay in wax dhici kara ay tahay in cidamo ka tirsan Al-shabaab ay u soo talaabaan dhinac Puntland si ay gabaad ay uga dhigtaan Buuraha Golis.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in ay jiraan kooxo tiro yar hadda oo ku dhuumaalaysanaya Buuraha Golis haddii aan laga foojignaanan ay dhici karto in ay gabaad siiyaan firxadka ciidanka Al-shabaab haddii Saldhigyadooda ay dagaal ku qadaan ciidanka AMISOM loogana adkaado Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay ku jiraan feejignaan dheeraad ah ayna la socodaan dhaqdhaqaaq ciidan ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayna dhici karto in dagaalyahanada  Al-shabaab in laga sifeeyo.

Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas ayaa xusay in wax talo ama xiriir ah aysan Puntland ku lahayn howl galada ay ciidanka AMISOM ka wadaan Bartamaha iyo Koonfurta dalka Soomaaliya inagoo wadaagna hal cadow oo shabaab ah waxaan aragnaa in ay muhiim tahay in nala gala tashto howl galada socoda.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay Midowga Afrika iyo beesha caalamka in ay gacan ku siiyaan Puntland siddii ay ugu hortagi lahayd in Al-shabaab ay u soo talaabaan xuduudaha Puntland ay la leedahay Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in beesha caalamku aysan si isku mid ah u caawin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Gobollada kale ee dalka Soomaaliya oo gar gaarka ugu badan haddii uu noqon lahaa mid ciidan iyo bini’aadinimo ay siiyaan oo kaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku eedeeyey Al-Shabaab weerarkii  is qarxinta ahaa ee bishii December ka dhacay magaalada Boosaaso kaas oo ay ku dhinteen ilaa 7 qof oo rayid ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in DFS uu kala hadlo khilaafka dhinac Dastuuriga ah ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya khilaafkaas oo ahaa mid bilowday xiligii uu talada hayey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole Halkaan ka eeg Waraysiga Madaxweynaha Puntland uu siiyey Wakaaladda wararka ee Reuters

Source: Reuters
M_M_Deeq

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online