Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas oo kormeero ku tegay qaar ka mid ah xarumaha Dowladda ee Bosaaso.[Masawiro]

March 23, 2014 - Written by Editor

IMG_1730Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka 23,03,2014  kormeero kala duwan ku tagay qaybo ka mid ah xarumaha Dowladda ee gobolka bari, waxaana booqashadiisa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo saraakiisha ciidanka.

Madaxweynaha goobihii uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ahaa saldhiga Qaybta ee G/Bari,Saldhiga Biyo Kulule,Xabsiga Weyn ee Bosaso iyo xerada barakacayaasha oo ay ku nool yihiin dad soomaaliyeed oo waqti hore kasoo hayaamay colaada ka jirta qaar ka mid ah dalka.

Dhamaan goobaha uu tagay ayaa waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku qaabilay masuuliyiinta xarumahaasi, waxayna faah-faahin buuxda ka siiyeen shaqooyinka ay hayaan iyo xaaladda guud sida ay tahay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka isagoo ku dhiiri galiyay shaqada ay hayaan, kuna adkeeyey inay ka shaqeeyaan xasilinta amaanka.

Xabsiga weyn ee Bosaso waxaa uu madaxweynuhu kula kulmay masuuliyiinta gacanta ku haysa, waxaana la tusay qaar ka mid ah baxabiista loo haysto danbiyada fudud iyo burcad badeednimada ,kuwaasi oo ku guda jiray xirfado si gaar ah loo baray oo ay ka mid yihiin, dhismaha guryaha,tolida dharka iyo waxyaalo kale,waxaana madaxweynuhu ku amaanay masuuliyiinta Xabsiga-weyn sida wanaagsan ee ay gacanta ugu hayaan dadka baxaabiista ah.

no images were found

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas waxa uu sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay xerada ay ku nool yihiin dadka kasoo barakacay gobolada kale ee dalka , isagoo ka waraystay xaaladooda nololeed iyo arrimo kale, wuxuuna u sheegay in Dowladdiisu aysan ka hakran doonin wixii ay  awoodeeda ah.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdllaahi Max’ed Jaamac “Quraan Jecel” oo warbaahinta uga xog waramay kormeeradii madaxweynaha ee Saaka, ayaa sheegay in ay kormeeradaasi ay salka ku hayeen sidii looga dhabayn lahaa balanqaadkii madaxweynuhu sameeyey xiligii doorashada.

Isla markaana loo ogaan lahaa xaaladaha dhabta ah ee ku sugan yihiin bulshada Puntland, isla markaana ay Dowladdu dabooli doonto bahiyaha dhinaca bulshada wixii ay awoodo.

Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo
Hiddah Iyo Dhaqanka

Ee Madaxtooyada Puntland.
-DHAMAAD-

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online