Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku celiyey in Somaliland ay taageerto Al-Shabaab (Dhageyso)

March 26, 2014 - Written by Editor

Camay1Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa mar kale ku celiyey in Maamulka Somaliland uu taageero u fidiyo Al-Shabaab wuxuuna intaas ku daray in dowlada Puntland ay heyso cadeymo  sheegaya in  Al-Shabaab ragg ka tirsan lagu tababaro magaalada Burco .

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland  Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sidoo kale sheegay in Amiirka Al-Shabaab Axmed Godane uu yimaado Hargeysa  iyo deegaano kale oo ka tirsan S/land .

Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay Madaxweynaha ku xigeenka Puntland  ayaa ugu baaqay  shacabka Puntland midnimo iyo isku duubni waxaana uu sheegay in DFS iyo Beesha Caalamka ay ka warheyso xiriirka Somali Land iyo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland  Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sidoo kale maanta kormeer kadis ah ku tagay Wasaarado ka mid ah Xukuumada Puntland wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha ay maqnaayeen wuxuuna saluugay shaqada hanti dhowrka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay  ayaa sidoo kale sheegay in wasiiro ka mid ah xukuumada Puntland ay ka maqnaayeen xafiiskooda wuxuuna sheegay in lala xisaabtami doono.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntand ayaa ugu danbeyn ugu baaqay shacabka Puntland in ay foojignaadaan ayna la shaqeeyaan ciidanka Amaanka Puntland .

Dhanka kale Wasiirka G/dhiga ee Somaliland ayaa beeniyey eedeynta Puntland u jeedisay Somaliland wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland in ay joojiyeen hurinta colaada isaga oo hoosta ka xariiqay in labada Maamul ay dan ugu jirto  in ay nabad  ku wada noolaadaan.

Hoos ka Dhageyso Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo ka hadlay Hanti dhowrka iyo S/land


M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online