Madaxweyne Xasan “Ugandha waa wallaalo dhiigooda noo huray, mana ilaaweyno[Masawiro]

March 2, 2014 - Written by Editor

IMG_1360Muqdisho 02 Maarso 2014 – Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Ugandha.Wafdigan waxaa la socday saraakiisha AMISOM.
Madaxweynaha oo uga mahadceliyey xildhibaanada Ugandha booqashadooda Muqdisho ayaa yiri “Ugandha waa waddan aan aaminsanahay inay yihiin wallaalo dhiigooda noo huray, mana ilaaweyno. Waa waddankii ugu horreeyey ee Soomaaliya u soo gurmada, tanoo muujineysa wallaaltinimada dhabta ah. Madaxweyne Museveni waa hoggaamiye Afrikaan ah oo muujiyey hoggaamin dhab ah, isla markaana ka dhabeeyey in wallaalaha Afrikaanka ay xalin karaan mushaakilaadka Afrika.”

Madaxweynaha ayaa warbxin kooban sii yey wafdiga soo booqday oo uu yiri “Waxaa naga go’an inaan dadaalkii wallaalaha AMISOM u gudno, isla markaana aan dalka Soomaaliya ku soo dabaalno amni iyo kala danbeyn. Waxaan hiigsaneynaa in 2016 aan doorashooyin xor ah qabano isla markaana aan caalamka kaalintii aan ku laheyn aan soo ceshano.

no images were found

Soomaaliya waxuu ahaan jirey dal qani ah isla markaana soo taageeray dalal badan oo Afrika ah oo ay ka mid tahay Ugandha.” Wafidga xildhibaanada dalka Ugandha ayaa iyagana uga mahadceliye Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud kulanka, isla markaana gaarsiiyey
fariin ay uga sideen baarlamaanka iyo Madaxweynaha Ugandha. Sidoo kale waxey sheegeen inay Muqdisho ku arkeen horumar ballaaran iyo sida ciidamada Ugaandha ay rajo weyn uga qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto. Waxeyna sheegeen in Soomaaliya iyo Ugaandha ay yihiin wallaalo, isla markaana horumarka ballaaran oo ay arkeen ay warbixin ka siin doonaan Baarlamaanka iyo Dowladda Ugandha.

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to
the President of Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online