Maraykanka oo lacag dul Dhigay 3 xubnood oo ka Tirsan ururka Al-Shabaab

March 15, 2014 - Written by Editor

mareyskanGaroowe:-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka  ayaa waxaa ay Abaalmarin lacageed duldhigtay ilaa 3 xubnood oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, waxaana la dul dhigay lacag gaaraysa ilaa $ 3 million oo dollarka Maraykanka ah.

Saddexda xubnood ee lacagta la dul dhigay ayaa dowladda Maraykanku waxaa ay amartay in la soo xiro waxaana ay magacyadooda ku sheegeen Abdikadir Mohamed Abdikadir , Wasiirka , iyo Yasin Kilwe . Yasin Kilwe waa madax Al-Shabaab ee Puntland ee waqooyiga Soomaaliya waxaan xilkaas u soo magacaabay Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane,Yasin Kilwe ayaa in mudo ah waxaa uu u xirnaa maamulka S/lland oo markii danbe siidaayey.

Xubnaha lacagta la duldhigay waxaa ka mid ah Abdikadir , oo loo yaqaan Ikrima , wuxuu ku dhashay dalka kenya 1979 .Ikrima ayaa lagu eedeeyey in uu ahaa masuulkii fududeeyey in dhalinyaro badan oo reer Kenya ah ay askar u noqdaan ururka Al-shabaabka dibna ay ka dagaalamaan gudaha Soomaaliya.

Qof saddexaad ee lacagta la duldhigay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Jafar , waxaan loo yaqaan Cammaar waa fududeeye al -Shabaab waxaan uu ahaa ku xigeenka  Abdikadir Mohamed Abdikadir.

Xubanaha lacagta la duldhigay ayaa waxaa lagu eedeeyey dilal iyo qaraxyo ka dhacay 2006-dii laguna bartilmaamsaday shaqaalo gargaar, Ciidanka AMISOM , waxaa kale oo lagu eedeeyey in ay fuliyeen qaraxyadii ka dhacay  dalalka Kenya iyo Ugandha.

Dowladda Maraykanka ayaa waxaa ay ku eedeysay ururka Al-shabaab in ay khatar ku yihiin xasiloonida iyo amaanka Geeska Afrika iyo Maraykanka ka dib markii ururka Al-shabaab ay ku biireen Ururka Al-Qacida Bishii Febraayo 2012. Halkaan ka akhri Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ka soo baxay

Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa horey u laayey rag badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo isigu jiray Soomaali iyo Muhaajiriin waxaana lacag aad u tiro badan duldhigay dowlada Mareykanka waxaana u danbeeyey raga uu dhagarta ku dilay Axmed Godane Abu Mansuur Al-Amriki oo ka mid ahaa rag uu aad u raadinayey Mareykanku.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online