Maxkamadda ciidanka Puntland oo xukun ku riday Askar geystay dhac iyo dil.[Dhagayso]

March 5, 2014 - Written by Editor

2Boosaaso:-Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa saaka waxaa ay xukuno iskugu jira dil iyo xabsi ku xukumeen eedaysanayaan lagu eedeeyey falal dhac  iyo dil ah. Eedaysanayaasha la horkeenay Maxkamada  ayaa dhamaan waxaa ay ka tirsanaayeen ciidanka Puntland gaar ahaan dowladda hoose waxaan lagu kala magacaabaa:-

1. Maxamad Muse Faarax

2.Sharmaarke Cali Xorxor

3. Abshir Axmad Yaasiin

4.Cabdixakiin Salaad Yaasiin

Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Gobaladda Bari, Karkaar, Sanaag iyo Gardufuu Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa waxaa uu dil toogasho ku xukumay Sharmaarke Cali Xorxore ka dib markii uu dilay Yuusuf Salaad Saalim oo ahaa qasnajigii bankiga dhexe ee magaalada Bosaso halka  Maxamad Muuse Faarax isagana lagu xukumay dil toogasha ka dib markii uu dil bareer ah u geystay Cabdirashiid Muuse Maxamad laguna cadeeyey falkaas dilka ah oo  uu maxkamada u soo gudbiyey Xeer ilaalinta maxkamadda.

Dhinac kale waxaa ay Maxkamada ciidanka qalabka sidda ee Puntland ay 10 sanno oo xariga ah ay ku xukuntay  Maxamad Muuse Faarax waxaan lagu eedeeyey fal burcadnimo ah in uu ka geystay magaalada Boosaaso. Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Puntland ayaa waxaa ay xoriyadiisa ay u celisay oo la sii daayey  Cabdixakiim Salaad Yaasiin ka dib markii lagu waayey danbiga lagu soo eedeeyey.

Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Gobaladda Bari, Karkaar, Sanaag iyo Gardufuu Cabdifitaax Xaaji Aadan

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online