Mu’asasada Al-Minhaaj oo bilowday mashruuc ku cusub Bulshada Soomaaliyeed.[Masawiro]

March 14, 2014 - Written by Editor

P1020076Boosaaso:-Waxaa maanta magaalada Boosaaso ugu soo dhamaaday Qoraa C/fitaax Cajab tababarro ku saabsan Hormarinta dadka (التنمية البشرية), Tababarradaas oo laba toddobaad socday ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta , waxaana ka faa’iidaystay in ka badan 5000 oo qof oo isugu jira arday iyo bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaana ka mid ah meelaha ka faa’iiday stay:-

1- Iskoollada Dugsiyada Hoose/dhexe:-

1. Daarul-birri

2. Najax

2- Skoollada dugsiyada sare oo kala ah:-

1.Imaamu Shaafici

2. Najax

3. Xamdaan

4. Bosaso Public secondary School

3- Jaamacaddaha

1. Jaamacadda Bariga Afrika

2. Jaamacadda Bosaso

3. Collage of Public health

4- Shirkadaha

1. Shirkadda Golis

5. Waalidiinta

Tababarro dumarka ah oo lagu wacyi galinayay siday ilmahooda ula sheekaysan lahaayeen, gurigoodana ay miisaaniyad dhaqaale oo haqab tiran ugu samaysan lahaayeen. Sidoo kale Qoraagu wuxuu Hall-ka Amal Plaza iyo Jaamacadda Bariga Afrika ku soo bandhigay 5 buug oo uu qoray, waxayna kala yihiin buugaagtaasi:-

no images were found

1. Astaamaha Macallinka fiican

2. Sidee qoraalka ilmahaaga u jeclaysiin kartaa

3. Tarbiyad xumada carruurta

4. Barbaarinta carruurta

5. Astaamaha qofka hanka sare leh

Bulshada reer Boosaaso ayaa aad u soo dhawaysay barnaamijkaan wacyigalinta iyo hormarinta isugu jira ee ay Mu’asasada Al-Minhaaj fulisay, waxayna ka codsadeen in ay Mu’asasadu sii wado hawleheedaas bilowga ah, kuna cusub bulshada soomaali yeed,si joogta ahna loogu dhiirri galiyo awoodahooda qarsoon, hankoodana kor loogu qaado.

Mu’asasada Al-Minhaaj
Boosaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online