Odayaal gaaraya ilaa 7 oo shalay lagu dilay duleedka degmada Buurhakaba

March 24, 2014 - Written by Editor

baydhaboBaydhabo:-Waxaa shalay koox hubeysan ay ku dileen duleedka degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ilaa 7 odayaal dhaqan oo ka yimid Baydhabo una socday magaalada Muqdisho Kooxda dishay odayaashaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay kala soo dageen gaarigii ay saar naayeen ka dibna ay laayeen.

Wararka ayaa sheegay in Odyaashaan dhaqanka lagu dilay deegaanka Jameecada, oo u dhow degmada Buurhakabo ee Gobalka Bay, meydka odayaasha ayaa isla xalay waxaa la geeyey Degmada Buurhakabo iyadoo maamulka degmada Buurhakaba ay sheegeen in ay baarayaan falkaan foosha xun ee lagu laayey odayaasha cid ka danbaysay.

Taliyaha Booliiska gobolka Bay Col. Mahad C/raxmaan Aadan oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay in dilka odayaashaan dhaqanka ay ka dambeyso ururka Al-shabaab ayna ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay talaabo jawaab ah qaadi doonaan.

Dhinac kale warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa waxaa ay qoreen in Sarkaal u hadlay ururka Al-shabaab oo aan magaciisa la xusin uu sheegay in aysan Al-shabaab wax lug ah ku lahayn odayaasha dhaqanka ee lagu laayey shalay deegaanka Jameecada ee Degmada Buurhakabo ee Gobalka Bay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online