Puntland oo taageertay maamulka 3 Gobol ee Koonfur Galbeed

March 31, 2014 - Written by Editor

plGarowe:-Dawlada Puntland waxay soo dhawaynasaa doorashadii sidda nabadgelyada ah ku dhacday ee loogu doortay in uu H.E Maxamed Xaaji Cabdinuur noqdo Madaxweynaha maamul goboleedka cusub ee Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.

Dawlada Puntland waxay si diiran ugu hambalyeynaysaa shacabka koonfurta galbeed ee Soomaaliya ee samaystay maamul goboleedka cusub, maamulkaas oo si dhamaystiran oo cadaalad ah ay usoo doorteen dadka deegaanku.

Dawladda Puntland waxay mar walba soo dhawaynaysaa nidaamka federalka ee ku imanaya rabitaanka shacabka soomaaliyee in uu ka hirgalo gebi’ahaanba Soomaaliya, si loo helo xasilooni iyo nabad gelyo waarta oo ka taabaqaada Soomaaliya.

Shacabka reer Baydhabo ee martiqaaday suurtana geliyey inay ka hana qaado siyaasad cusub oo ku dhisan nidaamka federalka goboladaasi waan u hambalyeynaynaa, waana wax wanaagsan oo ay ku dayan karaan gobollada kale ee iyaguna hadhsan, waxaana rajaynaynaa in iyaguna ay dhabadaas qaadaan.

Dawlada Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa dhismaha iyo hor u socodka maamul goboleedka koonfurta galbeed ee Soomaaliya, waxaanu diyaar u nahay inaanu gacan ka siino waxii farsomo ah iyo waxii waayo aragnimo ah ee aanu dheernahay.

Dawladda Puntland waxay ku baaqaysaa si uu taabo qaado maamulka Koonfurta galbeed ee Soomaaliya in beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha  gacan iyo taageeroba siiyaan.

Waxaa lagama maarmaan ah oo dawlada Puntland ku baaqaysaa in sida ugu dhakhsaha badan loo anbaqaado nidaamka Federalka ah lana soo dhamaystiro maamulada  gobolada hadhsan si ay uga mid noqdaan maamul goboleedyada hadhsan ee u  baahan in la soo dhiso.

Waxaan ugu baaqaynaa dawlada fedaralka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba  inay fududeeyaan waxkasta oo abuuraya jewi wada hadal oo wanaagsan oo ay yeeshaan dhinacyada ka wada tirsan maamulka Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya, si loo helo maamul ku dhisan nabad buuxda iyo caddaalad.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo
Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online