Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Maamulka Juba
March 27, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in saaka qarax lagu dilay mid ka mid ah saraakiisha Maamulka Juba oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Furre.
Qarax lagu dilay Maxamed Furre ayaa waxaa u ka dhacay isgoyska Siinaay ee xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo waxaa kale oo qarax ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaaladiisa iyo laba qof oo rayid ah oo wadada marayey .
Qaraxa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada Maamulka KMG ee Juba waxaana ay baaritaano ka bilaabeen xaafada xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo.
Cabdi Yare
Kismaayo