Ra’iisul Wasaaraha DFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Kampala

March 26, 2014 - Written by Editor

IMG_0187Kampala:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugandha, waxaana wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhoweeyey garoonka madax ka tirsan dawladda Yugandha, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Yugandha iyo kuxigeenkiisa, iyo Xanaanada Xoolaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow oo horay u sii joogay Kampala.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shirka ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahwadaagta IGAD, waxaana shirkan oo furmay 24-kii bishan looga hadlayaa sidii looga hortagi lahaa abaaraha iyo biyo yaraanta ka jirto degaanada baadiyaha ee dalalkan, si looga hortago abaaraha ka so bilowda biyo yarida iyo daaq la’aanta.

shirkan ayaa waxaa labadii cisho ee la soo dhaafay u fadhiyay khubaro iyo guddiyo farsamo kuwaasoo sii diyaarinayay qorsheyaasha shirka, waxaana maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 26-ka la filayaa inay si rasmi ah u fariistaan Wasiirada dalalka IGAD ee qaabilsan abaaraha, beeraha iyo xanaanada xoolaha, waxaana la filayaa inay ka doodaan qodobo badan oo ay ka mid tahay sidii loo heli lahaa ceelal iyo Waro-biyoodyo iyo sidoo kale dhulal Daaqsnineed loona kobcin lahaa dhirta iyo daaqa.

Maalinta kama dambeysta ah ee 27-ka bisha ayaa la filayaa inay shirkan soo afmeeraan madaxda iyo hogaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay IGAD, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aano wax ku ool ah oo looga gaashaamanayo musiibooyinka abaaraha iyo nabaad guurka degaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka Soomaaliya maadaama ay ka jiraan abaaro iyo biyo yari, wuxuuna xusay in go’aanada kasoo baxa ay si dhaqso leh u saameyn doonaan degaanada Soomaaliya, isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda qodista ceelasha, dhismaha goobo Waro-biyoodyo ah iyo sidoo kale kobcinta dhirta iyo daaqa.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kampala, Uganda

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online