Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo Kampala kula kulmay R. Wasaaraha Itoobiya

March 27, 2014 - Written by Editor

IMG_0278Muqdisho, March 27, 2014——-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo howlo shaqo u jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa kulan gaar ah saaka la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailamariam Deselign.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka amniga iyo horumarada laga gaaray howlgalada ka soconaya gobolada dalka ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya kuwa AMISOM, waxaana Ra”iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dawladda Itoobiya is garab taagooda dhanka howlgalka nabad soo celinta dalka Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha waxaan ka wadahadalnay iskaashiga dhanka amniga iyo horumarada laga gaaray howlgalka nabad illaalinta ee ka soconaya gobolada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in xukuumadu ay ku howlan tahay sidii howlgalka wejigiisa labaad loogu gudbi lahaa kaasoo gargaar lagu gaarsiin doono goobaha laga saaray kooxaha nabadiidka oo in muddo ah go’doonsanaa.

“Howlgalkani wuxuu caawinayaa sidii loo nabadeyn lahaa dhamaan gobolka geeska Afrika, caalamkana looga badbaadin lahaa dhibaatada iyo falalka argagixisada ay maleegayaan” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay intii uu socday kulankan in xaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ay haatan xasiloon tahay isla markaana ay Xukuumadu wado dadaalo ay ku mideyneyso aragtida qeybaha kala duwan ee ku howlan dhismaha maamul loo dhan yahay oo ka hana qaada goboladaasi, wuxuuna tilmaamay inay magaalada Muqdisho ugu yeereen qeybaha siyaasada iyo dhaqanka ee dadka goboladaasi si ay dawladda iyo dhinacyadaasi si loo mideeyo dadaalka iyo aragtida dhinacyada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sh.Axmed Maxamed ayaa hambalyo u jeediyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuuna ku ammaanay adkeysigooda iyo geesinada ay ka muujiyeen goboladii laga saaray kooxaha nabadiidka, gaar ahaana degmada Ceelbuur oo saldhig xoogan u aheyd kooxaha argagixisada isaga ku dhiirageliyay inay shacabka kasbadaan isla markaana u muujiyaan dabacsanaan iyo caawin.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer,
PM office
Kampala, Uganda

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online