Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo soo dhoweyn u sameysay diblomaasiyiin da’yar oo tababar u jooga Turkiga.[Masawiro]

March 26, 2014 - Written by Editor

DSC04752Ankara:-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  u qaabilsan Jamhuuriyadda Turkey ambassador  Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa ku soo dhoweeyay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Caasimadda Ankara diblomaasiyiin da’yar oo tababar uga soconaya  maalintii Seddexaad akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Diblomaasiyiintani da’da yar ayaa ka hor inta aaney booqan dhismaha Safaaradda , waxa ay casha sharaf la wadaageen danjire Mohamed Mursal iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda , halkaasoo labada dhinac ay isku dhaafsadeen aragtiyo ku saleysan horumarinta iyo u adeegidda ummadda Soomaaliyeed.

Diblomaasiyiintani da’da yar ayaa saacadihii koobnaa ee ay ku sugnaayeen dhismaha Safaaradda ayaa waxaa loogu soo bandhigay qalab isgaarsiin oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay leedahay , kaasoo la qorsheynayo in qeyb ka mid ah lagu rakibo Xarunta Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho , halka qalab la mid ah qalabkaasi oo ku lamaansan , hab wadaagna ula shaqeyn doona lagu rakibi doono dhismaha Safaaradda , waxaana Wasaaradda , Safaaradaha, Qunsuliyadaha guud iyo ergada joogtada ay ku wada xiriiri doonaan qalabkaasi si ka casriyeysan isgaarsiinta kale .

no images were found

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa qorsheyneysa in si rasmi ah qaar ka mid ah howlwadeenadeeda ay ugu tababarto howlgelinta iyo daryeelidda qalabkaasi .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

 

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online