Saraakiisha ciidanka DFS ee gobalka Hiiraan oo sheegay in ay ku wajahan yihiin Jalalaqsi iyo Maxaas

March 14, 2014 - Written by Editor

ciidamada_AMISOMBuulo-burte:-Saraakiisha ciidanka DFS ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin Degmooyinka Maxaas iyo Jalalaqsi halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab ee shalay laga soo saaray Degmada Buulo-burte ee gobalka Hiiraan.

Gaanshaanle Sare C/laahi Bare oo ka mid ah saraakiisha horkacaysa duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay si degdeg ah ku gaari doonaan Degmooyinka ka tirsan gobalka Hiiraan oo ay wili gacanta ku hayaan Al-Shabaab wuxuuna si gaar ah u xusay degmooyinka Jalalaqsi Maxaas

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa shalay waxay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Buulo-burte waxaana saaka iyo xalay ay howlgalo baaritaan ah ka sameeyeen qeybo ka mid ah xaafadaha Degmada Buulo-burte.
Dhanka kale Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya , Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa soo dhaweeyey guulaha ay gaareen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM isaga oo qabsashada degmada Buulo-burte ku tilmaamay guul weyn.

Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ay haatan gacanta ku hayaan ilaa lix degmo oo kala ah : Buulo-burte, Waajid, Xudur, Buur-dhuubo, Rab-dhuurre iyo Teed.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online