Sh Dr.Bashiir Axmed Salaad oo muxaadaro u jeediyey Ardayda Jaamacadda Madina.[Dhagayso]
March 24, 2014 - Written by EditorMadina:-Sh Dr. Bashir Ahmed Salad oo safar dacwo ku gaaray dalka Sacuudiga gaar ahaan magaalada Mekkah ayaa waxaa uga qayb galay shir ay iskugu yimaadeen culimo fara badan oo caalamka ka kala yimid waxaan Mutamarkaas soo qaban qaabiyey رابطـة العــالــم الإســلامــي ka dibna Sheekhu waxaa uu kulan gaar ah la yeeshay Ardayda dhigata Jaamacadda Islaamiga ee Madina Al-munawarah.
Sheekh Dr. Bashir Ahmed Salaad ayaa waxaa uu Ardayda dhigata Jaamacadda Islaamiga ee Madina Al-munawarah u jeediyey muxaadaro qimo badan oo uu Sheekhu ugu magacdaray “البصيرة في الدعوة الى الله،”.
Sheekh.Dr. Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu ku booriyey dhalin yarada Ardayda ah in ay xoogga saaraan siddii ay umada Soomaaliyeed dhibka haysta ay ugu guntan lahaayeen sidii looga saari lahaa waxaan uu sheegay in looga saari karo in cilmiga diinta ah aad loo barto iyo in lagu xirmo culimada waaweyn ee diinta sidda wanaagsan u taqaan.
Sh. Dr. Bashir Ahmed Salad gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa ardayda waxaa kale oo uu tusaaleeyey in barashada cilmiga diinta uusan ahayn oo kaliya in shaqo lagu raadsado ama qof meesha looga riixdo balse ay tahay in umada la baro diintooda oo weliba dhaxalkii Nabigeen naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee si wanaagsan loo gudbiyo.
Hoos ka Dhagayso muxaadaradii Sh Bashiir u jeediyey Ardayda dhigata Jaamacadda Islaamiga ee Madina Al-munawarah.
Halgan.net/Tarbiya Media