Sh.Maxamed Cabdi Umal oo socdaal dacwo ku aaday magaalada Jigjiga

March 15, 2014 - Written by Editor

Sheekh_UmalNairobi:-Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya kuna nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa xalay safar dacwo ku aaday dhulka dowladda deegaanka Soomaaliya isagoo u sii hakan doono magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa la filayaa in socdaal dacwo ku maro dhamaan sagaalka Gobol ee dadka Soomaaliyeed ee degan yihiin isagoo ka jeedin doono muxaadaraad iyo wacyi gelin. Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu muxaadaraadka ugu horeeya la filayaa in uu ka jeediyey magaalada Jigjiga oo si weyn looga sugayo, waa safarkii ugu horeeyey oo uu Sheekh Umal uu ku tago dhulka dowladd degaanka Soomaalida ilaa intii Jabahaddii UWSLF ay heshiis la gaartay dowladda Itoobiya.

Dhulka dowladda degaanka Soomaalida ayaa waxaa horay safar dacwo ku tegay Sh Shibli waxaan uu maray deegaano badan isagoo Shiikhu uu ka akhriyey duruus uuna jeediyey muxaadaraad dad aad u fara badan ay ka soo qayb galeen. Safarka Sh. Maxamed Cabdi Umal uu ku tegayo dhulka Soomaali galbeed ayaan haddii alle idmo idiin soo gudbin doonaa iyo weliba muxaadaraadka iyo duruusta uu Shiikhu jeediyo haddii Alle idmo.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online